Kooxda Barcelona oo ku dhawaaqeysa saxiixa Xavi Hernández saacadaha soo aadan

(Barcelona) 12 Jan 2020. Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Barcelona ay la heshiisay Xavi Hernández, si uu u noqdo macalinka cusub ee Blaugrana, isagoo badeli doono Ernesto Valverde.

Wargeyska ayaa wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in kooxda reer Catalonia ee Barcelona ay saxiixa Xavi Hernández ku dhawaaqi doonto saacadaha soo socda.

Waxaa xilliyadii lasoo dhaafay lala xiriirinayay magaca Xavi Hernández inuu noqonayo macalinka cusub ee kooxda Barcelona si uu shaqada kaga badelo Ernesto Valverde, kaddib markii ay kooxda ku yimid hoos u dhaca muddooyinkii lasoo dhaafay.

Wixii warar ee ku soo kordha waan idin soo gudbin doonaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close