Liverpool oo wali la celin la’ayahay kaddib markii ay guul dirqi ah ka soo heshay kooxda Tottenham… +SAWIRRO

(Liverpool) 11 Jan 2020. Liverpool ayaa wali la celin la’ayahay kaddib markii ay guul dirqi ah ka soo heleen kooxda Tottenham oo ay booqdeen, waxayna kaga soo adkaadeen 0-1 kulan aad u xiiso nadnaa ee horyaalka Premier League oo ay wada ciyaareen.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hor kaceysay kooxda martida aheyd ee Liverpool.

Daqiiqadii 37-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Roberto Firmino, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Mohamed Salah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-1 ay ku adkaatay Liverpool oo marti u aheyd kooxda Tottenham Hotspur.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close