Chelsea oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Burnley… +SAWIRRO

(London) 11 Jan 2020. Chelsea ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 27-aad Chelsea ayaa heshay rigoore ama gool ku laad, waxaana gool u badelay Jorginho ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Markle daqiiqadii 38-aad kooxda Blues ayaa heshay goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay Tammy Abraham, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Reece James.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad Blues ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Callum Hudson Odoi, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Cesar Azpilicueta

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 3-0 ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close