Klopp oo fariintan u diray xiddigaha kooxdiisa Liverpool kahor kulanka ay la ciyaarayaan Tottenham

(Liverpool) 10 Jan 2020. Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa fariin u diray ciyaartoydiisa ka hor kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Tottenham Hotspur.

Jurgen Klopp iyo wiilashiisa kooxda Liverpool ayaa waxay booqan doonaan habeen dambe naadiga Tottenham Hotspur si ay u wada ciyaaraan ciyaar ka tirsan kulamada 22-aad ee horyaalka Premier League.

Haddaba Jurgen Klopp ayaa kahor kulanka la wada sugayo ay habeen dambe la ciyaari doonaan kooxda Tottenham wuxuu ka soo muuqday shir jaraa’id wuxuuna yiri:

يورجن كلوب مدرب ليفربول

“Waxaan la ciyaari doonnaa koox abaabulan oo diirada saari doonta qorsho difaaceed, Tottenham waxay leedahay awood weyn, waxayna heysataa ciyaartoy badan khadka dhexe ah ee isbedel sameyn kara”.

“Waxaan dooneynaa inaan noqono koox aan waligood laga filin karin garoonka dhexdiisa, waa inaan sidaan oo kale ku noqonaa kulankan, waa inaan ku soo bandhignaa waxyaabo aysan isu diyaarin karin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close