Steven Gerrard oo soo xushay kooxdiisa Riyada ee ka kooban SHAN ciyaartoy

(Yurub) 09 Jan 2020. Kabtankii hore kooxda Liverpool ee Steven Gerrard ayaa daaha ka qaaday shaxda kooxdiisa Riyada ee ka kooban shan ciyaartoy.

Steven Gerrard ayaa xiddigaha uu u magacaabay shaxdan wuxuu u arkaa inay yihiin kuwa ugu fiican taariikhda kubadda cagta, sababa la xiriira guulaha ay gaareen xiddigahan.

Halyeeyga reer England ee Steven Gerrard ayaa u xushay shaxda kooxdiisa Riyada xiddigaha kala ah:

Goolhaaye: Gianluigi Buffon, Daafaca: Paolo Maldini, Khadka Dhexe: Zinedine Zidane, waxaa sidoo kale liiskan lagu arkay ee ku soo baxay xiddigaha Ronaldinho iyo Lionel Messi.

Steven Gerrard ayaa kaddib markii uu doortay shaxda kooxdiisa Riyada ee ka kooban shan ciyaartoy wuxuu ka hadlay sababta uu u doortay xiddigahan wuxuuna yiri:

Image result for Steven Gerrard, Messi and Ronaldo

“Waxaa jira ciyaartoy gaar ah oo heer kale ah, sida Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, laakiin xiddiga reer Portugal kuma jiro shaxdeyda, sababtoo ah waxaan doorbidayaa laacib u ciyaari kara si wadajir ah, Ronaldo waxyaabo ayuu ku siin karaa, laakiin waxaan door bidayaa laacib kooxeed”.

“Buffon waa goolhayaha ugu fiican ee aan wajahay, qeybta difaaca waxaan dooran lahaa Paolo Maldini wuxuu ahaa geesi aniga ahaan, wuxuu u ciyaaray hal koox wuxuuna kula guuleystay koobab badan oo Yurub ah, aad ayuu u fiicnaa”.

“Waxaan ku doortay Zinedine Zidane, sababa la xiriira waxyaabaha uu sameyn karo, cagihiisa xilli kasta waxay xakameyn jireen kubadda, ciyaartiisa waxay aheyd mid aad u wanaagsan”.

“Ronaldinho wuxuu ku qaatay labo ama saddex sano si kali ah qaab ciyaareed heer kale ah, wuxuu sameyn jiray waxyaabo garoonka dhexdiisa marka aad ku aragto aad su’aal iska weydiineyso qaabka uu sidaas ku sameeyay”.

Gerrard's five-a-side team is a star-studded affair, but there's no room for Ronaldo in there

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close