Atletico Madrid oo u soo baxday finalka Spanish Super Cup kaddib markii guul cajiib ah ka gaartay Barcelona… +SAWIRRO

(Saudi Arabia) 09 Jan 2020. Atletico Madrid ayaa guul cajiib ah kaga gaartay kooxda Barcelona kulanka wareega afar dhamaadka ee koobka Spanish Super Cup, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-3, waxay kulanka finalka balan kaga sameysteen kooxda ay isku magaalada yihiin ee Real Madrid.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 46-aad kooxda Atletico Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Koke, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Angel Correa.

Laakiin daqiiqadii 51-aad kooxda Barcelona ayaa heshay goolka barbaraha, waxaana ciyaarta 1-1 ka dhigay Lionel Messi, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luis Suarez.

Daqiiqadii 62-aad Barcelona ayaa markeeda hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 2-1 ka dhigay Antoine Griezmann.

Daqiiqadii 81-aad kooxda Atletico Madrid ayaa heshay rigoore ama gool ku laad waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay weeraryahanka reer Spain ee Alvaro Morata.

Laakiin daqiiqadii 86-aad ayeey sheeko isbadeshay kaddib markii ay kooxda Atletico Madrid markale la wareegtay hoggaaminta ciyaarta waxaana 2-3 Angel Correa, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Alvaro Morata.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-3 ay ku adkaatay Atletico Madrid, wiilasha tababare Diego Simeone ayaa waxay sidaas balan kaga sameysteen kooxda Real Madrid finalka koobka Spanish Super Cup oo ay wada ciyaari doonaan Axada soo socota.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close