Riyadiisa kaga aadan 2020, xiddiga uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro & dhowr arrimood uu ka hadlay Neymar Jr

(Paris) 08 Jan 2020. Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ayaa shaaca ka qaaday riyadiisa 2020.

Dhinaca kale laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa muujiyay inuu doonayo inuu ka garab ciyaaro xiddiga kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic.

Neymar Jr ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sportmediaset” wuxuu ku sheegay:

“Rabitaankeyga sanadka 2020 waa inaan ku guuleysto wax walba oo aan ku heli karo Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazi”.

“Waxaan rajeynayaa inaan u soo baxo finalka tartanka Champions League oo aan ku guuleysto koobka, islamarkaana aan kula guuleysto Copa America xulka qaranka Brazil”.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro Ibrahimovic”.

“Waxaan doonayay inaan ka garab ciyaaro halyeeyada kubadda cagta sida Zidane iyo Romario, waxaan kaloo jeclaan lahaa inaan maaliyadaha kala badalano Zlatan”.

Neymar Jr ayaa intaas kaddib wuxuu si cad u sheegay in waqtigan la joogo uu si buuxda diirada u saarayo kooxdiisa Paris Saint-Germain wuxuuna yiri:

“Waxaan fursad u heysanaa inaan ku guuleysto tartanka Champions League, waana isku dayi doonaa”.

“2019 waxaa iiga buuxay dhaawacyo badan, wax badanna waan ka bartay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close