RASMI: Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019 oo lagu dhawaaqay

(Masar) 07 Jan 2020. Magaalo xeebeedka Hurghada ee Waddanka Masar ayaa caawa lagu guddoonsiiyey xiddiga reer Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mané abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019.

Sadio Mané ayaa wuxuu abaal-marinta laacibka ugu fiican Afrika 2019 ee uu caawa ku guuleystay ku garaacay xiddigaha kala ah saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Maxamed Saalax iyo Riyad Mahrez.

Sadio Mané iyo Maxamed Saalax ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay kooxda Liverpool, waxayna ku hoggaamiyeen Reds hanashada tartanka UEFA Champions League, halka Riyad Mahrez uu la qaaday xulkiisa qaranka Algeria koobka Qaradamada Qaarada Afrika, wuxuuna sidoo kale kula guuleystay kooxdiisa Man City koobka horyaalka Premier League.

Dhinca kale Xiddiga Morocco & Dortmund ee Achraf Hakimi ayaa ku guuleystay abaal-marinta da’yarka sanadka Afrika ee African Youth Player of the Year.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close