Macalin Ole Gunnar Solskjaer oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Man Utd ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Manchester derby

(Machester) 07 Jan 2020. Macalin Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaciyey liiska xiddigaha kooxda Machester United ee kaga qeyb geli doono kulanka caawa ee Manchester derby.

Ole Gunnar Solskjaer iyo wiilashiisa kooxda Machester United ayaa waxay isku diyaarinayaan kulanka la wada sugayo Manchester derby oo ay caawa ku balansan yihiin Man City inay ku wada ciyaaraan wareega afar dhamaadka tartanka Carabao Cup garoonka Old Trafford.

De Gea ayaa ku soo laabtay liiska xiddigaha kooxda Machester United ee ka qeyb galaya kulanka caawa wareega afar dhamaadka tartanka Carabao Cup ay kula ciyaari doonaan Man City, sidoo kale waxaa ku soo baxay xiddigaha Anthony Martial iyo Jesse Lingard.

Haddaba halka hoose kaga boggo liiska xiddigaha kooxda Man Utd uu ku dhawaaqay tababare Ole Gunnar Solskjaer, kuwaasoo ka qeyb galaya kulanka caawa ee Manchester derby.

Goolhaayayaasha: David de Gea, Sergio Romero, Lee Grant.

Daafacyada: Aaron Wan-Bissaka, Diogo Dalot, Harry Maguire, Phil Jones, Victor Lindelof, Luke Shaw, Brandon Williams.

Khadka dhexe: Nemanja Matic, Fred, Andreas Pereira, Jesse Lingard, Angel Gomes, Tahith Chong, Juan Mata, Daniel James.

Weerarka: Anthony Martial, Mason Greenwood, Marcus Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close