Kaddib burburintii Taalladii Zlatan Ibrahimovic. tii Sanchez oo sidoo kale la waxyeeleeyay…+SAWIRRO

(Chile) 07 Jan 2020. Kaddib markii la burburiyey Taalladii Zlatan Ibrahimovic ee ka taagnayd Magaalada Malmo ee dalka Sweden, Alexis Sanchez ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee Taalladiisa la bartilmaameedsado.

Shilka Taallada Sanchez lagu waxyeelleeyey ayaa ka dhacday halka la yiraahdo Tocopilla ee Waddanka Chile, waxaana muuqanaysa in Taallada weeraryahankan wajiga laga bedelay.

Booliska ayaa la sheegay inay haatan baaritaan ku hayaan dhacdadan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close