Juventus oo guul weyn ka gaartay kooxda Cagliari, Xilli Ronaldo uu dhaliyay Saddexleey…+SAWIRRO

(Turin) 06 Jan 2020. Juventus ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Cagliari garoonkeeda Allianz, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 18-aad horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah ay isku dhaafiwaayeen labada kooxood.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 49-aad kooxda Juventus ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Markale daqiiqadii 67-aad kooxda Juventus ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Cristiano Ronaldo, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-0.

81 daqiiqo kooxda Juventus ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Gonzalo Higuain, waxaana goolkan ka caawiyay Cristiano Ronaldo.

Daqiiqadii 82-aad Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta, wuxuuna dheesha ka dhigay 4-0 ay ku hogaamineysay kooxda Juventus.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Juventus kooxda Cagliari oo marti ugu aheyd Allianz Stadium.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close