Intar oo guul ay u qalantay ka soo heshay Napoli oo ay marti ugu noqotay garoonka San Paolo… +SAWIRRO

(Napoli) 07 Jan 2020. Intar ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay koox Napoli oo ay marti ugu aheyd garoonka San Paolo, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Inter.

Daqiiqadii 14-aad kooxda Inter Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay weeraryahankooda Romelu Lukaku.

Markale daqiiqadii 29-aad Inter ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Romelu Lukaku, waxaana ka caawiyay goolkan saaxiibkiis Marcelo Brozovic.

Daqiiqadii 39-aad kooxda Napoli ayaa dhalisay gool, waxaana 1-2 dheesha ka dhigay Arek Milik, xilli caawinta goolkan uu lahaa Jose Callejon.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 62-aad Lautaro Martinez ayaa ciyaarta ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Iner Milan.

Ugu dambeyntii ciyarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-3 ay kaga adkaatay Inter Milan kooxda Napoli oo ay marti ugu aheyd garoonka San Paolo.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close