Cristiano Ronaldo oo labo sano aan koox u dhalin free-kick… (Meeqa laad oo xor ah ayuu dhaliyey mudadaas Lionel Messi?)

(Yurub) 04 Jan 2020. Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaan muddo labo sanadood ah laad xor ah (free-kick) u dhalin koox, waxaana uu u baahan yahay inuu dib u soo ceshto dhalinta bulusoonnada.

Macallinka Juventus ee Maurizio Sarri ayaana Ronaldo kaligiis u dhiibin tuurista laadadka xorta ah, waxaana uu doonayaa inay sidoo kale dhalinta bulusoonnada ka qeyb qaataan Miralem Pjanic iyo Paulo Dybala.

Waxaa la xaqiijiyey inuusan weli hal gool oo free-kick ah CR7 u dhalin kooxdiisa Juventus, iyadoo markii ugu dambeysay oo uu laad xor ah dhaliyo Ronaldo heeskiisa kooxaha ay ahayd 16-ka bishii December sanadkii 2017-kii, markaasoo uu ka tirsanaa Naadiga Los Blancos.

Tan iyo markaas Ronaldo ayaa labo laadadka xorta ah u dhaliyey xulkiisa qaranka Portugal, waxaana uu ka kala dhaliyey xulalka Spain iyo Switzerland, laakiin isagu ma uusan awoodin inuu heerkiisa kooxeed dhaliyo laad xor ah muddo labo sano ah.

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyey 18 free-kick ama laadadka xorta ah mudadaas labada sano ah, inta uu Cristiano Ronaldo dhalin la’yahay hal bulusoon oo waayihiisa kooxeed ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close