Zlatan Ibrahimovic oo ka soo degay Magaalada Milan si uu u dhammaystiro ku biiristiisa kooxda Rossoneri…+SAWIRRO

(Milan) 02 Jan 2020. Zlatan Ibrahimovic ayaa soo gaaray Magaalada Milan ka hor inta uusan markiisii labaad dhammaystirin ku biiristiisa kooxda Rossoneri.

38-sano jirkaan ayaa ka soo degay maanta garoonka diyaaradaha Linate Airport ee Magaalada Milan, halkaasoo ay keentay diyaarad gaar ah oo ka soo qaaday Stockholm.

Zlatan ayaa tijaabada caafimaad u mari doona Milan, waxaana uu dib ugu soo laabtay kooxda sagaal sanadood kaddib.

Taageerayaal dhowr ah ayaa soo buuxdhaafiyey garoonka diyaardaha, waxaana si toos ah u soo tabinayey imaatinkiisa Milan TV.

Ibra ayaa ku labisnaa dhar wada madow ah, gaar ahaan Jaakat madow, surweel Jeemis ah iyo kabo iyaguna Madow ah, isagoo gacanta u haatiyey taageerayaasha ka dambeeyey xayndaabka ee taagnaa hareeraha.

Daqiiqado kooban kaddib waxa uu Baabuurkiisa ka soo qaatay garoonka diyaaradaha, iyadoo taageerayaashu isku dayayeen inay hor’istaagaan si ay isugu dayaan inay sawirro ka qaataan, Zlatan ayaana fadhiyey kursiga hore ee gaariga.

Maanta ayuu mari doonaa tijaabada caafimaad, waxaana uu shir jaraa’id ka soo muuqan doonaa berrito.

Ibrahimovic ayaa ogolaaday heshiis lix bilood ah oo uu qiyaar u haysto inuu ku darsado xilli ciyaareed kale, heshiiskaas ayuuna qalinka ku duugi doonaa kaddibna waxaa loo soo bandhigi doonaa taageerayaasha Milan.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu mushahar ahaan u qaadanayo 3.5 milyan oo euro sanadkii.

Ma jirto wax lacag wareejin ah, maadaama uu Ibrahimovic uu yahay beeca xorta ah kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisii kooxda LA Galaxy.

Tani waxay ku soo laabanaysaa Milan, iyadoo ninka reer Sweden uu horay u xirtay maaliyadda kooxda xilli ciyaareedkii 2010-12, isagoo dhaliyay 56 gool, 85 kulan oo uu u saftay Rossoneri.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close