Tababare Ole Gunnar Solskjær oo xaqiijiyay mudada uu Paul Pogba ka maqnaanayo kooxda Man United

(Manchester) 02 Jan 2020. Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa xaqiijiyay in Paul Pogba uu garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah dhaawac dartiis.

Waxaa sii soconaya dhaawacyada uu la kulmo xiddiga khadka dhexe reer France ee  Paul Pogba, taasoo keentay in garoomada uu ka sii maqnaado muddada soo socota sababa la xiriira dhaawac ka soo gaaray dhanka canqawga ah.

Laacibka ayaa ka maray tijaabooyin caafimaad meesha uu dhaawaca ka soo gaaray waxaana, la ogaaday inaysan jirin wax halis ah.

Laakiin tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa xaqiijiyay in Pogba uusan awoodi doonin inuu la ciyaaro kooxda inta u dhaxeysa 21 maalmood ilaa iyo mudo bil ah.

Ole Gunnar Solskjær ayaa shir jaraa’id uu ka soo muuqday wuxuu kaga hadlay xaalada dhaawaca ee Paul Pogba wuxuuna yiri:

“Waxaan sameeynay baaritaanno mana jiraan wax khatar ah, waa arrin u baahan in la qiimeeyo, isla markaana wax looga qabto waqti xadidan gudahood”.

“Waxaa lagula taliyay inuu ula dhaqmo sida ugu dhaqsiyaha badan xaaladan, wuuna sameyn doonaa, sidaas darteed waa inuu ka maqnaadaa garoomada muddo seddex ama afar isbuuc ah”.

Si kastaba ha noqotee Pogba ayaa awoodi waayay inuu ka qeyb galo kulankii xalay ay wada ciyaareen kooxaha Arsenal iyo Manchester United, kaasoo ay Red Devils la kulantay guuldarro 2-0 ah, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ee ka dhacday garoonka Emirates, taasoo ka tirsaneyd kulamada 21-aad ee horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close