SHAN rikoodh oo waa weyn ee suurtogal ah in Cristiano Ronaldo uu jabiyo sanadkan 2020

(Turin) 02 Jan 2020. Weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sugaya inuu sameeyo rikoorro badan ee waaweyn uu ku gaari karo kooxdiisa iyo xulkiisa, laga bilaabo sanadka 2020.

Cristaino Ronaldo ayaa gaaray rikoorro badan ee waaweyn, wuxuuna magaciisa xarfo dahab ah ugu qoray taariikhda kubadda cagta adduunka, in kabadan toban sano, wuxuuna heystaa fursad uu kusii wadi karo inuu sameeyo rikoorro kale ee waaweyn laga bilaabo sanadka cusub.

Haddaba rikoorrada la filayo Cristaino Ronaldo inuu ku gaaro kooxdiisa Juventus iyo xulkiisa qaranka Portugal sanadkan cusub ee 2020 ayaa waxay kala yihiin:

Inuu kula guuleysto tartanka Champions League kooxda Juventus:

Xiddiga reer Portugal ee Cristaino Ronaldo ayaa rajeynaya inuu ku hogaamiyo kooxda Juventus hanashada markeedii seddexaad ee taariikhda tartanka Champions League, tan iyo 1996-kii oo ay ugu dambeysay inay ku guuleysto naadiga reer Talyaani.

Ronaldo ayaa ku soo guuleystay tartanka Champions League 5 jeer ee horey, 4 jeer wuxuu la qaaday Real Madrid, halka hal jeerna uu kula guuleystay kooxda Manchester United, dagaalka ugu weyn uu gali doono halyeeyga reer Portugal ayaa ah in saddex kooxood kala duwan uu kula guuleysto koobka Champions League, si uu u gaaro rikoodhka halyeeyga Real Madrid ee Gento, kaasoo 6 jeer ku guuleystay tartankan.

رونالدو سامبدوريا 1

Gool dhaliyaha ugu fiican Koobka Qaramada Yurub:

Cristiano Ronaldo ayaa u dhaliyay xulkiisa qaranka Portugal 9-gool afartii tartan ee ugu dambeysay ee uu ka soo muuqday Koobka Qaramada Yurub, tani waxay isaga ka dhigtay inuu la siman yahay Michel Platini, wuxuuna haatan doonayaa inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya tartankan.

Ciyaartoyga ugu badan ee seddexleey ka dhaliya tartanka Champions League:

Cristiano Ronaldo ayeey Rikoodhkan ka siman yihiin Lionel Messi, marka loo fiiriyo xiddigaha ugu badan ee seddexleey ka dhaliya tartanka Champions League, waana min 8 jeer, wuxuuna heystaa fursad uu ku dhaafi karo xiddiga Barcelona, maadaama uu ka dhaxeeyo taran joogta ah labadan xiddig.

Gooldhaliyaha ugu sareeya heer caalami ee taariikhda:

Ronaldo ayaa wuxuu ilaa iyo haatan dhaliyay 99 gool oo caalami ah, isagoo ka dambeeyay  xiddiga reer Iran ee Ali Daei kaasoo dhaliyay 109 gool oo heer caalami ah, CR7 ayaana rajeynaya inuu gaaro rikoodhkan heerka caalami sanadkan 2020.

Laacibkii ugu horreeyay ee ku guuleysta gooldhalinta horyaalada Ingiriiska, Isbaanishka iyo Talyaani:

Cristiano ayaa haatan ku jira kaalinta 4-aad ee liiska gooldhalinta horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan isagoo leh 10 gool, wuxuu heystaa fursad uu kaga soo kaban karo wixii uu ku guul darreystay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee Talyaaniga, haddii uu sidaas sameeyo wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda ku guuleysta kabta dahabka ah ee horyaalada Ingiriiska, Spain iyo Talyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close