RASMI: Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta Samba d’Or Award 2019 oo la shaaciyey… (Neymar, Firmino & Silva oo la garaacay!)

(Brazil) 02 Jan 2020. Waxaa shaaca laga qaaday xiddiga ku guuleystay abaal-marinta Samba d’Or Award 2019 ee ah xiddiga reer Brazil ugu fiicnaa ee ka ciyaara qaarada Yurub.

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa loo magacaabay abaal-marinta Samba d’Or Award 2019, ee ah xiddiga reer Brazil ugu fiicnaa ee ka ciyaara qaarada Yurub.

Wuxuu noqday goolhaayahii ugu horreeyay ee ku guuleystay abaal-marintan, shabaq ilaaliyihii hore kooxda Internacional Porto Alegre ayaa ku soo guuleystay tartamada Champions League,koobka kooxaha adduunka iyo sidoo kale Copa America, wuxuuna noqday xiddigii ugu fiicnaa tartankaas.

Image result for Samba Gold 2019, Neymar, Firmino & Silva  Alisson Becker

Alisson Becker ayaa wuxuu abaal-marintan ku garaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Roberto Firmino, kaasoo abaal-maritan ku soo guuleystay sanadkii 2018, kaddib markii uu ka helay codadkii la bixiyay (23.48%), Thiago Silva ayaa sidoo kale helay codad gaarsiisan (10.46%), kaasoo kaga dhameystay tartankan kaalinta saddexaad.

In kabadan 100,000 ayaa internet-ka ka codeysay abaal-marintan Samba d’Or Award 2019, waana markii saddexaad taariikhda oo xiddig ka tirsan Liverpool uu ku guuleysanayo abaal-marintan, kaddib markii uu Philippe Coutinho 2016, iyo Roberto Firmino oo qaaday 2018.

Haddaba halkaan hoose ka eeg sida xiddigaha ay kaalmaha u kala galeen iyo laacib walba codadka uu helay:

Alisson 35,54%

Roberto Firmino 23,48%

Thiago Silva 10,46%

Fabinho 8,03%

Neymar 7,57%

Marquinhos 4,40%

Philippe Coutinho 2,62%

Felipe Anderson 1,63%

Casemiro 1,58%.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close