RASMI: Arsenal oo xaqiijisay dhaawac mudo dheer uu la maqnaanayo mid ka mid ah daafacyadeeda

(London) 02 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta ee Arsenal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday daqiiqado kahor inuu dhaawac soo gaaray xiddigeeda Calum Chambers.

Naadiga ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa shaacisay in Calum Chambers uu dhaawac xun ka soo gaaray dhanka jilibka lugtiisa midig.

Gunners ayaa bayaan rasmi ah ay ku daabacday dhamaan boggaga ay ku leedahay baraha bulshada sida Twitter iyo Facebook, waxay ku xaqiijisay in Calum Chambers uu dhaawac daran ka soo gaaray dhanka jilibka lugta midig, kulankii ay la ciyaareen kooxda Chelsea horaantii isbuucaan.

Bayaanka kooxda Arsenal ayaa lagu xaqiijiyay in Calum Chambers uu maray qaliin jilibka ah maanta, kaddib markii uu dhaawac culus soo gaaray bilowga kulankii dhex maray kooxaha Arsenal iyo Chelsea, ee ka tirsanaa kulamada 20-aad ee horyaalka Premier League.

Image result for Calum Chambers

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in Calum Chambers uu ka maqnaan doono safka kooxdiisa Arsenal muddo 6 ilaa 9 bilood ah, taasoo xaqiijineysa inuu seegi doono kulamada Gunners ee inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Calum Chambers ayaa ka soo laabtay dhaawac isbuucyo ka hor laakiin nasiibdarro wuxuu markale la kulmay dhaawacan aadka u xun ee ka soo gaaray dhanka jilibka lugta midig ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close