Man United oo bar-tilmaameed ka dhiganeysa laba xiddig qad dhexe ah si ay kaga dhigato baddelka Paul Pogba

(Manchester) 02 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in bishan Janaayo ay lasoo wareegi doonto laba kamid ah xidigaha ugu halista badan horyaalada Premier League iyo Serie A.

Kuabad qaabeeyaha Lazio iyo kabtanka Aston villa ayaa noqday laba shaqsi oo ay diiwanka ku darsaden Maamulka Red Devels kaddib markii ay quus kasoo istaageen Paul pogba.

Pogba ayaa la  fahansanyahay in marka uu dhamaado xagaagan in gabi ahaanba uu isga bixi doono garoonka Old Trafford xilli maamulka ay si wayn kaga sii gaasahmanayaan dhibaatada ka dhalan karta la’aanta Paul Pogba.

Kaddib guuldaradii ay xalay la kulmeen taagerayaasha Manchester ayaa waxay ogaadeen in hadda la joogo xilligii kubad abuure cusub lagu soo biirin lahaa Red Devels.

Dhibaatada ugu wayan ayaa soo ifbaxday markii laba laacib ee kala ah Nemanja Matic iyo Fred, ay wax fursad ah ka abuuri waayeen kulankii xalay ee Gunners, taasoo muujinaysa sida ay qasab u tahay in la raadiyo booska Paul Pogba ee garoonka Old Traford.

Kooxda Manchester United ayaa hadda laxaajoonaysa 24 jirka qadka dhaxe kaga cayaara kooxda Aston villa ee Jack Grealish.

Dooqa labaad ee manchester ayaa ah xidiga kooxda Lazio ee Luis Alberto oo waqti cajiib ah ku qaadanaya garoonka Lazio, xilli dhawaan uu kula guulaystay tartanka Supar Cup Italy kooxdiisa Lazio.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close