Liverpool oo wali la celin la’ayahay kaddib markii ay guul kaga gaartay Sheffield United garoonka Anfield… + SAWIRRO

(Liverpool) 03 Jan 2020. Liverpool ayaa wali dhinaceeda dhulka la dhigi la’ayahay waxayna markan guul 2-0 ah kaga gaartay kooxda Sheffield United oo marti ugu aheyd garoonka Anfield, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 21-aad ee horyaalka Premier League dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 4-aad waxaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kooxda Liverpool, waxaana 1-0 ka dhigay Maxamed Saalax, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Andy Robertson.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay, inkastoo ay Reds aheyd kooxda sameysay fursadaha ugu badan, maadaama ay gacanta ku heysay xakameynta ciyaarta.

Daqiiqadii 64-aad kooxda Liverpool ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 2-0 ka dhigay xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Liverpool kooxda Sheffield United oo marti ugu aheyd garoonka Anfield.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close