Kooxda AC Milan oo si rasmi ah u xaqiijisay lambarka uu u xiran doono Zlatan Ibrahimovic

(Milan) 02 Jan 2020. Kooxda kubadda cagta ee AC Milan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay lambarka uu u xiran doono Zlatan Ibrahimovic, waana lambarka 21-aad ee maaliyada Rossoneri.

Zlatan Ibrahimovic ayaa soo gaaray maanta Magaalada Milan ka hor inta uusan markiisii labaad dhammaystirin ku biiristiisa kooxda Rossoneri.

Ibrahimovic ayaa ogolaaday heshiis lix bilood ah oo uu qiyaar u haysto inuu ku darsado xilli ciyaareed kale, heshiiskaas ayuuna qalinka ku duugi doonaa kaddibna waxaa loo soo bandhigi doonaa taageerayaasha Milan.

Yeelkeede, Zlatan Ibrahimovic ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka kaddib markii uu maanta soo gaaray magaalada Milan, waxaa horrey loo hadal haayay inuu xiran doono Lambarka 11-aad ee maaliyada kooxda AC Milan.

Si kastaba ha ahaatee hadda ayuu si rasmi ah u doortay Zlatan Ibrahimovic lambarka 21-aad ee Milan, kaasoo uu caan ku ahaa halyeeyga reer Talyaani ee Andrea Pirlo.

Si kastaba ha noqotee, xiddiga reer Sweden ayaa horay u xirtay maaliyadda kooxda AC Milan xilli ciyaareedkii 2010-12, isagoo dhaliyay 56 gool, 85 kulan oo uu u saftay Rossoneri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close