Xiddiga Manchester United ee Marcos Rojo oo xirtay maaliyadda Kooxda PSG… + SAWIRRO

(Paris) 29 Dis 2019. Daafaca Manchester United ee Marcos Rojo ayaa xirtay Funaanadda PSG intii uu ku guda jiray booqashadiisii ugu dambeysay ee kooxdiisii hore ee dalka Argentina.

Rojo ayaa soo jiitay indhaha qaar ka mid ah jamaahiirta Man United markii uu la wadaagay sawir isaga oo xiran maaliyada PSG intii lagu jiray booqashadii ugu dambeysay ee uu ku tagay garoonkiisa cusub ee kooxdiisii hore ee Estudiantes.

Badi taageerayaasha Man United waxay u maleynayaan inay tani calaamad u tahay inuu Rojo ku sii jeedo kooxda haysata horyaalka Faransiiska.

Halkaan hoose ka eeg waxa ay qaar ka mid ah taageerayaasha Man Utd ka yiraahdeen Twitter-ka:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close