Xiddiga ku guuleysatay abaal-marinta laacibka bisha December ee kooxda Man United oo la shaaciyay

(Manchester) 01 Jan 2020. Waxaa shaaca laga qaaday xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicanaa kooxda Manchester United ee bishii December.

Marcus Rashford ayaa loo magacaabay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicanaa kooxda Manchester United bishii lasoo dhaafay ee December.

Rashford ayaa abaal-marintan ku soo guuleystay bishii November, wuxuuna halkiisa ka sii watay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, isagoo dhaliyay 6 gool, 8 kulan oo uu ciyaaray Man United bishii ugu dambeysay sanadkii tagay ee 2019.

Xiddiga reer England ayaa loo diiwaan galiyay 2 gool kulankii ay Tottenham Hotspur ku soo dhaweeyeen garoonka Old Trafford, kahor inta uusan shabaqa ka soo taabanin Man City kulankii ka dhacay garoonka Etihad, taasoo sababtay in loo caleemo saaro xiddigii ugu fiicnaa Manchester United bishii December.

Marcus Rashford ayaa wuxuu abaal-marintan ku garaacay labadii xiddig kale ee kula tartameysay ee kala ahaa, xiddiga reer Brazil ee Fred iyo da’ayarka reer England ee Mason Greenwood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close