Nemanja Matić oo ka hadlay mustaqbalkiisa Man United…(Miyuu ka tagi doonaa bishan Janaayo?)

(Manchester) 01 Jan 2020. Xiddiga qadka dhexe kooxda Manchester United ee Nemanja Matić ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa garoonka Old Trafford.

Qandaraaska Nemanja Matić ee kooxda Red Devils ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga soo aadan, laakiin wuxuu cadeeyay inuu raadsan karo koox kale hadii uusan heshiis la gaarin United-ka.

Nemanja Matic ayaa xilli ciyaareedkan si weyn ugu dhibtoonaya kooxda Manchester United, kaddib markii uu ciyaaray kaliya 8 kulan.

Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa kamid ah kooxaha sida aadka ah u xiiseenaya inay lasoo saxiixdaan xiddiga reer Serbia ee Nemanja Matić suuqa bishan Janaayo.

Sida laga soo xigtay wargeyska “The Telegraph” ee dalka England Nemanja Matić ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Mustaqbalkeyga? Ma aqaano waxa aan sheego, waxaa jira qandaraas lix bilood ah oo uu kula jiro Manchester United, waan arki doonaa waxa dhaca bisha Janaayo”.

“Manchester United waxay heysataa fursado si ay u kordhiso qandaraaskeyga, laakiin waan arki doonaa haddii qorshaha kooxda uu la mid yahay qorshayaasheyda, ma sheegayo wax intaas ka badan maxaa yeelay runtii garan maayo waxa dhici doona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close