Man City oo saddexda dhibcood ka heshay kooxda Everton oo marti ugu aheyd garoonka Etihad…+SAWIRRO

(Manchester) 01 Jan 2020. Manchester City ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Everton oo marti ugu aheyd garoonka Etihad, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 21-aad ee horyaalka Premier League dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Gabriel Jesus, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ilkay Gundogan.

58 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Manchester City ayaa la timid goolkeedii labaad, waxaana 2-0 ka dhigay dheesha Gabriel Jesus, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Riyad Mahrez.

Daqiiqadii 71-aad kooxda Everton ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Richarlison.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-1 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Everton oo marti ugu aheyd garoonka Etihad.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close