Kooxda Brighton oo taako u dhigtay Chelsea oo marti u aheyd…+SAWIRRO

(England) 01 Jan 2020. Kooxda Brighton ayaa taako u dhigtay Chelsea oo marti ugu aheyd garoonka American Express Community, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 21-aad ee horyaalka Premier League dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Chelsea.

Daqiiqadii 10-aad kooxda Chelsea ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay daafacooda reer Spain ee Cesar Azpilicueta.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 84-aad alla maxuu gool ahaa, kooxda Brighton ayaa heshay goolka barbaraha, kaddib markii uu shabaqa naadiga Chelsea dhax dhigay gool dhabal ah xiddiga lagu magacaabo Alireza Jahanbakhsh.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah ay dhibcaha ku qeybsadeen labada kooxood Brighton & Hove Albion iyo Chelsea

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close