Arsenal oo guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Man United garoonka Emirates…+SAWIRRO

(London) 02 Jan 2020. Arsenal ayaa guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Man United garoonka Emirates, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa kulamada 21-aad ee horyaalka Premier League dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

Daqiiqadii 8-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Nicolas Pepe.

Markale daqiiqadii 42-aad Gunners ayaa la timid goolkeeda labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Sokratis.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 2-0 ay guul kaga gaartay Arsenal kooxda Manchester United oo marti ugu aheyd garoonka Emirates.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close