RASMI: Anwar Sayid Cali (Shakunda) oo heshiiska u kordhiyey Kooxda Elman… + SAWIRRO

(Muqdisho) 28 Dis 2019. Ciyaaryahanka lagu magacaabo Anwar Sayid Cali (Shakunda) ayaa kooxdiisa Elman u saxiixay heshiis cusub oo ku sii joogi doono Kooxdiisa Elman.

Anwar Sayid Cali ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Elman isagoo sanadkii la soo dhaafay  ku guuldeystay gooldhalinta horyaalka Somali Premier League, wuxuuna dhaliyay tiro goolal oo dhan 18 gool.

Laacibkii hore Kooxda Jeenyo United ayaa qalinka ugu duugay heshiis 2-sano uu ku sii joogi doono naadiga Jaalayasha ee Elman.

Xiddigan ayaa ka hadlay kaddib markii uu heshiiska u kordhiyay kooxdiisa isagoo yiri: “Waxaan dareemaya farxad wayn maadaama aan kooxdeeda u saxiixay heshiis cusub, waa wax i farxad galinaya inaan labo sano kale sii sito fanaanadda Jaalayasha ee Elman.”

“Waxaan u mahadcelinaya dhammaan maamulka kooxda, ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda kuwaasoo mar walba igu dhiiri galinayay inaan soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah.”

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahan Anwar Sayid Cali (Shakunda) ayaa baaqi ku sii ahaan doono labo sano oo kale kooxda kubadda cagta Elman.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close