Man United oo saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Burnley oo ay booqatay…+SAWIRRO

(England) 29 Dis 2019. Manchester United ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonka Turf Moor, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 20-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester United.

Daqiiqadii 44-aad Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer France ee Anthony Martial, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Andreas Pereira.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee dhamaadka ciyaarta Marcus Rashford ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Manchester United, waxayna ciyaarta noqotay 0-2, iyadoo uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay Daniel James.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-2 ay ku adkaatay Manchester United oo marti ugu aheyd kooxda Burnley garoonka Turf Moor.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close