Kooxda Liverpool oo funaanaddeeda calaamad cusub oo dheeri ah ku dhegsan doonta kulankeeda habeen dambe ee Premier League

(Liverpool) 28 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaaca ka qaadday inay xiran doonto maaliyaddeeda oo calaamadda Dahabiga ah ee FIFA Championship ay ku dheggan tahay kulanka ay habeen dambe la dheelayaan kooxda Wolverhampton Wanderers ee horyaalka Premier League.

Reds ayaa ku guuleysatay Koobka Naadiyada Adduunka markii ugu horreysay isbuucii la soo dhaafay markaas oo ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Flamengo ee Brazil, kulankaas oo ka dhacay magaallada Doha ee caasimadda dalka Qatar.

Liverpool waa kooxda labaad ee Ingiriiska ee qaadday Koobka kooxaha Adduunka marka laga reebo Manchester United oo ku guuleysatay koobkan sanadkii 2008.

Laakiin wixii waqtigaa ka dambeeyay xiriirka Ingiriisku wuxuu mamnuucay in inta uu socdo xilli ciyaareedku ay kooxuhu calaamadaha dheeriga ah ku soo dhegsadaan qayb ka mid ah funaanadahooda marka ay ciyaarayaan Horyaalka Premier League intaan ka ahayn astaamaha samafalka.

Kooxda Liverpool ayaa markaa lagu warramayaa in ay xiriirka Ingiriiska ka codsadatay in loo ogolaado in ay astaanta Koobkii Adduunka ee kooxaha ay maaliyaddooda ku dhegsadaan ciyaartooda soo socota ee habeen dambe taasoo loo ogolaaday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close