Jurgen Klopp oo fariin digniin ah u diray Van Dijk kahor kulanka Wolverhampton

(Liverpool) 28 Dis 2019. Macalinka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kaga digay daafaciisa birta ah reer Holland ee Virgil van Dijk halista kaga imaan karta weeraryahanka Wolverhampton ee Adama Traoré, ka hor inta aysan labada kooxood kulmin habeenka Axada.

Jurgen Klopp iyo wiilashiisa ayaa isku diyaarinaya inay ku wajahaan kooxda Wolverhampton ciyaar ka tirsan kulamada 20-aad ee horyaalka Premier League dalka England

Klopp ayaa sida caadiga ah shir jaraa’id uu ka soo muuqday kahor kulanka habeen dambe wuxuu u sheegay warbaahinta:

“Adama Traoré wuxuu ahaa ciyaaryahan aan caadi aheyn markii uu ku sugnaa kooxda Middlesbrough, laakiin wuxuu u baahnaa qof uun inuu la taliyo, wuxuu leeyahay karti aad u wanaagsan waana ciyaaryahan da’ayar ah, wuxuuna la shaqeynayaa macalin ku haboon”.

“Traoré waa ciyaartoy aad u qatar ah, gaar ahaan meelaha banaanka ah, Jamie Vardy (Weeraryahanka Leicester) way adagtahay in laga difaaco isaga, laakiin waxaan dhihi karaa waxaa ka adag in la difaaco Traoré sababtoo ah wuxuu leeyahay xawaare gaar ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close