Halyeeyga kooxda Real Madrid ee Hugo Sánchez oo hal arrin ka codsaday Florentino Perez

(Madrid) 28 Dis 2019. Halyeeyga  Real Madrid ee Hugo Sánchez ayaa ka codsaday madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez inuu sameeyo saxiixa xiddiga naadiga Tottenham Hotspur ee Harry Kane.

Hugo Sánchez ayaa aaminsan in hadii uu xukunka gacantiisa ku jiri lahaa inuu la saxiixan lahaa Harry Kane, xitaa haddii ay kaga bixi laheyd heshiiskiisa qiimo dhan 200 milyan euro.

Magaca Harry Kane ayaa sannado badan lala xiriirinayay inuu ku biirayo Real Madrid, waxaana markale biloowday warar cusub ee arrintaas la xiriira.

Halyeeygan  Real Madrid ee Hugo Sánchez ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

Image result for Harry Kane To Real Madrid

“Waxaan u maleynayaa in Real Madrid ay tahay inay yeelato laba koox iyo laba xiddig ee lambarka 9-aad ee aad u xoogan, waxaan daawanayay Harry Kane muddo dheer”.

“Waan la soo saxiixan lahaa xitaa hadii uu ahaan lahaa qiimo dhan 200 milyan euro, Ronaldo ayaa sidoo kale kooxda ku iibsatay lacag aad u badan, laakiin fiiri waxa uu kooxda siiyay”.

“Laakiin waxaa xqiiqo ah inay jiraan waxyaabo ku jira maskaxda Florentino Perez, waan ogahay in dib u habeynta garoonka ay kaga bixi doonto daqaalo badan ee miisaaniyada kooxda ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close