RASMI: Xiddigii hore ee Kooxaha Elman iyo Jeenyo C/llaahi Muxudiin oo dib ugu laabtay Kooxdiisii hore

(Muqdisho) 26 Dis 2019. Xiddigii hore ee Kooxaha Elman iyo Jeenyo Cabdullaahi Muxudiin ayaa si rasmi ah dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Gaadiidka.

Laacibkan ayaa Waddanka ka maqnaa muddooyinkii dhawaa isagoo jiray mid ka mid ah Waddammada dhaca qaaradda Afrika.

Cabdullaahi Muxudiin waa laacib ku soo ifbaxay tartanka degmooyinka isagoo xilligaas u dheelayay Degmada Howl-wadaag, kaddib bandhigiisa cajiibka ahaa uu ku soo bandhigay koobka Degmooyinka waxaa ishaaratay kooxda Gaadiidka, kaddib waxa uu soo xirtay maaliyado kala duwan sida Kooxda Elman iyo Jeenyo, ugu dambeyn wuxuu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Gaadiidka.

Laacibkan ayaa kooxda Gaadiidka wuxuu u saxiixay  heshiis hal sano ah uu kala joogi doono kooxdiisa Gaadiidka.

Kooxdiisa Gaadiidka ayaa galabta dheeli doonta kulankeeda koowad ee horyaalka isagoo Cabdulaahi Muxudiin uu ka soo muuqan doono kulan ciyaareedkan dhaxmari doona Kooxaha Gaadiidka iyo Raadsan.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdulaahi Muxudiin ayaa kooxdiisa Gaadiidka u xiran doona lambarka 5-aad ee Kooxda.

W/D: C/fitaax Nani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close