Labo ka mid ah xiddigaha Kooxda Manchester United oo loo sheegay inay bixi karaan bisha Janaayo

(Manchester) 24 Dis 2019. Sida wararku ay sheegayaan labo ka mid ah xiddigaha kooxda Manchester United ayaa loo sheegay inay bixi karaan bisha Janaayo, iyagoo lagu wargeliyey inaysan qeyb ka ahayn qorshaha macallin Solskjaer.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, Nemanja Matic iyo Marcos Rojo ayaa labadaba loo sheegay inay kooxda Manchester United isaga tagi karaan bisha Janaayo ee soo aaddan.

Labadaan xiddig kuma jiraan qorshaha Macallin Ole Gunnar Solskjaer, horay ayeyna uga bixi karaan garoonka Old Trafford haddii ay heli karaan kooxo ku habboon.

Matic waxaa doonaya labo kooxood oo Premier League ah, halka Rojo uu soo jiidanayo xiisaha kooxo dhowr ah oo ka dhisan dalka dibaddiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close