Labo ka mid ah Kooxaha ka dhisan dalka Talyaaniga oo ku tartamaya saxiixa daafac ka tirsan Arsenal

(London) 24 Dis 2019. Labo ka mid ah kooxaha ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa la soo sheegayaa inay ku tartamayaa saxiixa daafac ka tirsan Naadiga Arsenal ee dalka Ingiriiska.

Kooxaha Napoli & Roma ayaa xiiseynaysa oo tartan ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen daafaca Gunners ee Sead Kolasinac.

Shabakadda Sky Sports ayaa warinaysa in daafaca Kooxda Arsenal ee Sead Kolasinac uu xiiso ka helayo Napoli iyo AS Roma.

Napoli ayaa rajaynaysa inay soo qaadato 26-sano jirkaan bisha Janaayo, laakiin Kooxda Giallarossi ayaa diyaar u ah inay sugto ilaa suuqa xagaaga si ay heshiis ugu diyaar garowdo.

Kolasinac ayaa 14 kulan oo horyaalka Premier League ah u saftay Kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close