“Waa wax laga xishoodo in Liverpool oo qaaday UCL, haddana xiddigaheeda aysan ku guuleysan Ballon d’Or” – Yaya Toure

(Yurub) 19 Dis 2019. Laacibkii hore ee kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa wuxuu tilmaamay xiddiga uu u arko inuu yahay kan ugu fiican Qaarada Afrika, isla markaana uu u qalmay inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or 2019.

Yaya Toure ayaa aaminsan in laacibka reer Senegal ee Sadio Mané uu yahay kan ugu fiican Qaarada Afrika, isla markaana uu u qalmay inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or 2019.

Laacibkii hore reer Ivory Coast ee Yaya Toure ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Afrika dhexdeeda, kuma aragno ciyaaryahan ka fiican isaga, miyaad aragtay wuxuu qabtay xilli ciyaareedkii hore iyo tirade goolasha uu dhaliyay iyo guulihiisa kooxda Liverpool?”.

“Si aan u noqono kuwo daacad ah, uma qalmo kaliya inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga ugu fiican Afrika sanadkan ee ugu horeyntii wuxuu u qalmay inuu guuleysto Ballon d’Or”.

“Aniga ahaan, waa wax laga xishoodo in Liverpool ay ku guuleysatay Champions League, haddana aysan xiddigaheeda ku guuleyanin abaal-marinta Ballon d’Or 2019”.

“Waxaan u maleynayaa inaad mararka qaar aragto in dadka Afrikaanka ahi aysan muujinin isku duubni ka dhexaysa, taasina waa dhibaatada jirta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close