Waa kee macallinka ay kooxda PSG ku bedelayso Thomas Tuchel… (Ma Pep Guardiola mise Allegri?)

(Paris) 19 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta PSG ee reer France ayaa la shaaciyey hoggaamiyaha ay doonayso inay ku bedesho macallinkeeda haatan ee Thomas Tuchel.

PSG ayaa la sheegayaa inay indhaha ku hayso Guardiola si uu u bedelo Tuchel, iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay sidoo kale dooq u haysato macallinkii hore ee Juventus, Allegri.

Warsidaha Le10 Sport ayaa warinaya Kooxda Paris Saint-Germain ayaa ka dhigtay Pep Guardiola mid ka mid ah musharrixiintii ugu sarreeya ee shaqada ka bedelaya Tababare Thomas Tuchel.

Kooxda reer France ayaa sii deyn karta Tuchel haddii uusan ku hoggaamin hanashada Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay durbaba eegayaan kuwa isaga bedela.

Milkiilayaasha reer Qatar ayaa xaaladda kala hadlay xiddigii hore ee Barcelona Xavi, kaasoo ku taliyay inay keenaan Guardiola, halka agaasimaha isboortiga ee Leonardo uu u soo jeediyay in tababarihii hore ee Juventus, Massimiliano Allegri uu yahay dooq kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close