Gerard Pique oo iska illoobay cadaawada kooxda Real Madrid kaddib markii uu difaacay Sergio Ramos

(Madrid) 19 Dis 2019. Daafaca reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa iska iloobay cadaawada soo jireenka aheyd ee kala dhexeysay naadiga Real Madrid kaddib markii ay labada kooxood xalay ku kulmeen garoonka Camp Nou.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu xaqiijiyay in Sergio Ramos uu jawi adag ku qaatay kulankii xalay ee El Clásico, maadaama ay taageerayaashii ku sugnaa garoonka Camp Nou ay sare u qaadayeen qeylo ay kaga soo horjeedeen markasta uu kubada taabto kabtanka kooxda Real Madrid inta ay ciyaarta socotay.

Wargeyska ayaa wuxuu tilmaamay in Gerard Pique uu u dhawaaday jamaahiirta Barcelona ee ku sugnaa garoonka Camp Nou wuxuuna gacantiisa ugu tilmaamay inay joojiyaan qeylada iyo aflagaadada ka dhanka ah Sergio Ramos.

Si kastaba ha noqotee, Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulankii xiisaha badnaa ee El Clásico, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 0-0 ah, xilli kulankan uu ahaa mid horey loo baajiyay ee ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close