Labo ka mid ah xiddigaha Kooxda Manchester United oo bixi kara bisha Janaayo

(Manchester) 19 Dis 2019. Waxaa la soo warinayaa in labo ka mid ah xiddigaha kooxda kubadda cagta Manchester United ay bixi karaan oo naadiga ay isaga tagi karaan marka la gaaro bisha Janaayo ee soo aaddan.

Ashley Young iyo Nemanja Matic ayaa laga yaabaa inay ka tagaan Kooxda Manchester United suuqa bisha Janaayo ee soo socda.

Young kaasoo Manchester United kaga soo biiray kooxda Aston Villa sanadkii 2011-kii ayaa ka baxay safka hore ee kooxda xilli ciyaareedkaan, qandaraaskiisuna waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli ciyaareedka.

Dhinaca kale Matic ayaa sidoo kale beeca xorta ah noqon doona dhammaadka kal ciyaareedkan, waxaana laga doonayaa kooxda Inter, laakiin Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in Red Devils laga yaabo inay iska iibiso bisha soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close