DEG DEG: Kooxda Liverpool oo ku dhawaaqday saxiixa Takumi Minamino… (Lambarkee la guddoonsiiyey) + SAWIRRO

(Liverpool) 19 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku dhawaaqday Takumi Minamino inuu noqonayo saxiixeeda ugu horreeya bisha Janaayo.

Reds ayaa Weeraryahanka RB Salzburg ee Takumi Minamino uu noqonayo saxiixooda ugu horreeya ee bisha Janaayo, waxaana la warinayaa inuu inay ku soo qaateen 7.25 milyan oo gini.

Xiddiga xulka qaranka Japan kaasoo heshiiskiisa lagu burburin karo 7.25 milyan oo gini ayaa saxiixay heshiis afar sanadood iyo bar ah oo ku eg illaa xagaaga 2024-ka.

Minamino ayaa dhaliyey sagaal gool 11 kalena caawiye ka ahaa 22 kulan oo uu u safray kooxda reer Austria xilli ciyaareedkan.

Xaqiiqdii, 24-sano jirkaan wuxuu ku jiray kooxdii Liverpool kula ciyaartay kulankii ka dhacay garoonka Anfield bishii Oktoobar markii gool uu dhaliyay uu ka caawiyo kooxda reer Austria, inay ka soo kabsato saddex gool oo looga hormaray si ay barbaro 3-3 ugu dhigto ciyaarta ka hor inta uusan Mohamed Salah goolka guusha dhalin.

Bayaan ka soo baxay Kooxda Liverpool ayay ku xaqiijisay saxiixa Minamino waxaana uu u dhignaa: “Kooxda kubadda cagta Liverpool waxa ay xaqiijinaysaa inay saxiixa Takumi Minamino heshiis kala gaartay Red Bull Salzburg.

“Weeraryahanka xulka qaranka Japan ayaa si rasmi ah u noqon doona ciyaaryahan Reds ah 1 bisha Janaayo kaddib markii uu dhammaystiray heshiiska shaqsiga ah, isla markaana uu kooxda Merseyside u maray tijaabada caafimaad Arbacadii.

“24-sano jirkaan ayaa dhammaystiray tijaabada caafimaad, waxaana uu heshiis cusub oo waqti dheer ah ku saxiixay  Melwood.”

Minamino ayaa lagu soo bandhigay isagoo sare u haya maaliyadda lambarka 18-aad ee Liverpool oo uu dusha kaga qoran yahay magaca xiddigan ee Minamino.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close