Real Madrid, Barcelona, Man United, Man City, Juventus & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa la ciyaari doono

(Yurub) 18 Dis 2019. Kulamo ka tirsan horyaallada La Ligaha Spain, Bundesliga Jarmalka iyo tartanka EFL Cup ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa.

Kulanka ugu weyn waa kan El Clasico ee garoonka Camp Nou ku dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid 10:00 habeennimo.

Dhinaca kale Kooxaha ka dhisan Magaalada Manchester ee Man United iyo Man City ayaa ugu waa weyn kooxaha isku qaban doona caawa tartanka magacyada badan ee EFL Cup ama League Cup.

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ka dhankeeda ciyaari doonta kulan ka tirsan horyaalka Serie A ee Waddanka Talyaaniga waxaana ay caawa u safri doonaan Sampdoria.

Kulamo ka tirsan horyaalka Bundesliga Jarmalka ayaa sidoo kale la ciyaari doonaa caawa, waxaana ugu weyn kulanka ay FC Bayern München booqanayso Freiburg.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulammada la ciyaarayo guud ahaan iyo saacadaha ay soo geli doonaan:-

ENGLAND – EFL CUP

10:45 Habeennimo Everton vs Leicester City

10:45 Habeennimo Oxford United vs Manchester City

11:00 Habeennimo Manchester United vs Colchester United

SPAIN – LALIGA SANTANDER

10:00 Habeennimo Barcelona vs Real Madrid

ITALY – SERIE A

8:55 Habeennimo Sampdoria vs Juventus

10:45 Habeennimo Brescia vs Sassuolo

GERMANY – BUNDESLIGA

8:30 Habeennimo Bayer Leverkusen vs Hertha BSC

10:30 Habeennimo Borussia Mönchengladbach vs SC Paderborn 07

10:30 Habeennimo Eintracht Frankfurt vs 1. FC Köln

10:30 Habeennimo Freiburg vs FC Bayern München

10:30 Habeennimo Wolfsburg vs Schalke 04

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close