Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo dhibcaha ku qeybsaday kulankii la wada sugayay ee El Clásico…+SAWIRRO

(Barcelona) 18 Dis 2019. Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa dhibcaha ku qeybsaday kulankii xiisaha badnaa ee El Clásico, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 0-0 ah, xilli ciyaartan ay aheyd mid horey loo baajiyay ee ka tirsan horyaalka La Liga ee dalka Spain, taasoo ka dhacday garoonka Camp Nou.

Qeybta hore ee kulanka xiisaha badan ee El Clásico ayaa lagu kala maray barbaro 0-0 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Barcelona iyo Real Madrid.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 0-0 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Barcelona iyo Real Madrid.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close