Tababaraha Man United oo faalo cusub ka bixiyay xaalada dhaawac ee xiddigaha Pogba iyo Dalot

(Manchester) 17 Dis 2019. Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær ayaa faalo cusub ka bixiyay labada xiddig ka dhaawacan ee Paul Pogba iyo Diogo Dalot, kahor kulanka habeen dambe ay kula ciyaari doonaan koobka Carabao Cup naadiga Colchester United.

Manchester United ayaa habeen dambe ku soo dhaweyn doonto kooxda Colchester United garoonkeeda Old Trafford, si ay u wada ciyaaraan kulanka wareega sideed dhamaadka tartanka Carabao Cup, kaasoo u jeedlooda uu yahay inay gaaraan wareega afar dhamaadka markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2016-2017.

Haddaba macalinka reer Norway ee Ole Gunnar Solskjær ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka habeen dambe ee Carabao Cup wuxuuna yiri:

“Waxaa laga yaabaa in Diogo Dalot uu ku soo laaban doono, kaddib markii uu tababarka usbuuc qaatay, laakiin qof kale hadda ma jiro”.

Intaas kaddib Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu ka hadlay Paul Pogba wuxuuna yiri:

“Wax walba uu la soo kulmay, hadda wuxuu la ildaran yahay xanuun, waxaa laga yaabaa inuu la sii maqnaado labo ama saddex maalmood kale ilaa iyo uu ka soo caafimaadayo”.

“Sida aan marar badan sheegay, Paul Pogba waa ciyaaryahanka ugu fiican ee aan dooneyno inaan la ciyaarno, wuxuu diyaar u yahay inuu ciyaaro saacad, 45, 60 ama 90-ka daqiiqo ama kulan buuxa, yaa garanaya?”.

“Waxaan si aad ah uga shaqeynaa sidii aan dib ugu soo celin laheyn, laakiin haatan waa uu xanuunsan yahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close