10-ka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan taariikhda kulamada El Clásico ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona

(Spain) 17 Dis 2019. Real Madrid ayaa habeen dambe ku booqan doonto kooxda Barcelona garoonka Camp Nou si ay u wada ciyaaraan kulankii dib loo dhigay ee El Clásico, kaasoo ka tirsanaa kulamadii 10-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan 2019/2020.

Waxa ugu horreeya ee maskaxdeena ku soo dhaca marka aynu xusno magaca kulanka El Clasico waa magacyada xiddigihii nasiibka u yeeshay inay ka qeyb galaan, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa hadda joogo ama taariikhda oo dhan.

Qiimaha ciyaartooyda waa weyn ee Real Madrid iyo Barcelona had iyo jeer waxay ka dhex muuqdaan kulamada El Clasico waxaana ka xusi karnaa xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ah tusaalaha ugu weyn.

GettyImages-897551828 (1)

Xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa waxay dhahan gaar ah u yeeleen kulankan El Clasico, sababa la xiriira goolashooda xoogan iyo awoodooda weyn ee dhanka go’aan qaadashada ah, waxaana jira waqtiyo badan ee ku saabsan labadan ciyaaryahan ee aan taariikhda la iIaabi doonin.

Kuwo badan ayaa kulankan ula dhaqma sidii tartan gaar ah oo kale, saxaafada iyo baraha bulshada ku xiriirto ayaa si gaar ah diirada u saaraan rikoorrada iyo tirakoobyada la xiriira kulamada El Clasico.

Mid ka mid ah macluumaadka ugu muhiimsan ee aan dib u eegi karno ayaa ah liiska 10-ka xiddig ee ugu sareeya taariikhda kulamada El Clasico ay wada ciyaareen kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

haddaba dhanka hoose kaga boggo liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu goolasha badan taariikhda kulamada El Clásico ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona:

Lionel Messi (Barcelona): 26 gool.

Cristiano Ronaldo (Real Madrid): 18 gool.

Alfredo Di Stéfano (Real Madrid): 18 gool.

Raul Gonzalez (Real Madrid): 15 gool.

Francisco Gento (Real Madrid): 14 gool.

Ferenc Puskas (Real Madrid): 14 gool.

Carlos Santillana (Real Madrid): 12 gool.

Luis Suarez (Barcelona): 11 gool.

Hugo Sánchez (Real Madrid): 10 gool.

Juanito (Real Madrid): 10 gool.

Josep Samitier (Barcelona – Real Madrid): 10 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close