Wax waliba oo aad uga baahan tahay isku aadka wareegga 32-ka Kooxood ee Europa League oo maanta la sameynayo

(Yurub) 16 Dis 2019. Waxaa maanta la sameynayaa isku aadka wareegga 32-ka Kooxood ee UEFA Europa League.

Haddaba waxaan halkaan hoose kuugu soo gudbinaynaa wax waliba oo aad uga baahan tahay isku aadka wareegga wareegga 32-ka Kooxood ee UEFA Europa League.

Arsenal ayaa u baahatay inay ciyaarto ilaa kulankeeda lixaad ee heerka Guruubyada si ay u xaqiijisato inay u soo baxday heerka bug-baxa Europa league, waxaana kooxda Waqooyiga London ka dhisan ay wareegga 32-ka oo isku aadkiisa maanta la sameynayo kula biirtay Manchester United, Wolves, Rangers iyo Celtic.

Goorma ayaa la sameyn doonaa isku aadka wareegga 32-ka ee UEFA Europa League?

Isku aadka wareegga 32-ka Kooxood ee UEFA Europa League ayaa la sameyn doonaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 16-ka bisha December oo ku beegan Isniin, waxaana lagu qaban doonaa xarunta xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA oo ku taala magaalada Nyon ee Waddanka Switzerland.

Saacaddee la sameyn doono isku aadka Wareegga 32-ka ee UEFA Europa League?

Isku aadka Europa League ayaa TV-yada laga soo deyn doonaa 3:00 Galabnimo saacadda geeska Afrika kaddib marka maanta 2:00 Duhurnimo la sameeyo isku aadka wareegga 16-ka Champions League.

Labada kooxood ee ugu sarreeyay guruubkooda ayaa loo qeybin doonaa 12 Guruub heerka bug-baxa, waxaana ku soo biiri doona kooxaha kaalinta saddexaad kaga soo dhammaystay ee tartanka Champions League ka soo haray.

Sida ay kooxuhu dheriyada ugu kala jiraan:-

Dheriga Koowaad: Ajax, Arsenal, Basel, Benfica, Braga, Celtic, Espanyol, Gent, Internazionale Milano, İstanbul Başakşehir, LASK, Malmö, Manchester United, Porto, Salzburg, Sevilla.

Dheriga Labaad: APOEL, AZ Alkmaar, Bayer Leverkusen, CFR Cluj, Club Brugge, Copenhagen, Eintracht Frankfurt, Getafe, Ludogorets, Olympiacos, Rangers, Roma, Shakhtar Donetsk, Sporting CP, Wolfsburg, Wolves.

Goormee la ciyaari doonaa wareegga 32-ka ee UEFA Europa League?:-

Lugta hore ee wareegga 32-ka kooxood waxaa la ciyaari doonaa 20 February, 2020

Lugta labaad ee wareegga 32-ka kooxood waxaa la ciyaari doonaa 27 February, 2020

Isku aadka wareegga 16-ka Europa League ayaana lagu qaban doonaa Magaalada Nyon 28 February, 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close