Ka bogo Koox waliba Kooxaha ay ku wajihi karto wareegga 16-ka UEFA Champions League oo isku aadkiisa maanta la sameynayo

(Yurub) 16 Dis 2019. Waxaa maanta la sameynayaa isku aadka wareegga 16-ka UEFA Champions League, iyadoo la filan karo inay kooxo waa weyn isku aadaan.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa koox waliba kooxaha ay ku aadi karto wareegga 16-ka Champions League oo isku aadkiisa maanta la sameynayo:-

:: Manchester City ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Napoli, Real Madrid, Dortmund, Lyon, Atletico Madrid

:: Tottenham ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Barcelona, Juventus, PSG, RB Leipzig, Valencia

:: Liverpool ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Real Madrid, Dortmund, Lyon, Atalanta, Atletico Madrid

:: Chelsea ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Barcelona, Bayern Munich, Juventus, PSG, RB Leipzig

:: Barcelona ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Napoli, Tottenham, Lyon, Chelsea, Atalanta

:: Bayern Munich ::

Kooxaha ay ku aadi karto:  Napoli, Real Madrid, Lyon, Chelsea, Atalanta, Atletico Madrid

:: Juventus ::

Kooxaha ay ku aadi karto:  Tottenham, Real Madrid, Lyon, Chelsea, Dortmund

:: PSG ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Tottenham, Chelsea, Napoli, Dortmund, Atalanta, Atletico Madrid

:: Real Madrid ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Bayern Munich, Man City, Juventus, RB Leipzig, Liverpool

:: Dortmund ::

Kooxaha ay ku aadi karto: Man City, Juventus, Liverpool, Valencia, PSG

Saacaddee la sameyn doono isku aadka Wareegga 16-ka Champions League?

Isku aadka ayaa TV-yada laga soo deyn doonaa 11:00 barqanimo saacadda UK oo ku aaddan 2:00 Duhurnimo saacadda geeska Afrika, sidoo kale isku aadka tartanka Europa League ayaa isna la sameyn doonaa isla maanta marka ay saacadda geeska Afrika tahay 3:00 Galabnimo, waxaana lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee Waddanka Switzerland.

Tartankan wareeggiisa 16-ka iskuma aadi karaan labo kooxood oo isku waddan ah, halka sidoo kale aan la isku beegi doonin labo kooxood oo hal guruub ka soo wada baxay, sidaasi awgeed kooxo badan ayaa kala badbaadi doona.

Kooxaha ku soo baxay kaalinta koowaad ee Guruubkooda ayaana Away noqon doonta ama marti lugta hore ee kulammada 16-ka marka isku aadka la sameeyo.

Goormee la ciyaari doonaa wareegga 16-ka Champions League?:-

Lugta koowaad ee wareegga 16-ka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 18/19 & 25/26 bisha Febraayo 2020.

Lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League ayaa iyana la ciyaari doonaa 10/11 & 17/18 bisha Maarso 2020.

Siddeed dhammaadka UEFA Champions League ayaa isku aadkiisa la sameyn doonaa 20 bisha Maarso, waxaana lugta hore ee siddeeda kooxood la ciyaari doonaa 7/8 April, halka lugta labaad ee siddeed dhammaadka la dheeli doono 14/15 April.

Afar dhammaadka ayaa isagana isku aadkiisa la sameyn doonaa, waxaana isku lugta hore la dheeli doonaa 28/29 April, halka lugta labaad ee afar dhammaadka Champions League la ciyaari doono 5/6 May.

Kulanka Final-ka tartankan UEFA Champions League ayaana ka dhici doona garoonka Atatürk Olimpiyat Stadium ee Magaalada Istanbul, 30 bisha May 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close