Valverde oo ka hadlay kulanka El Clásico kaddib barbarihii ay la galeen Real Sociedad

(Barcelona) 15 Dis 2019. Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa u muuqda inuusan ku qanacsaneyn natiijada ay kooxdiisa ka heshay naadiga Real Sociedad.

Laakiin macalinka reer Spain ayaa sheegay in qaab ciyaareedka uu ka duwanaan doono kulanka El Clásico oo ay Arbacada soo socota kula ciyaari doonaan Real Madrid garoonkooda Camp Nou.

Kooxaha Real Sociedad iyo Barcelona ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Reale Arena, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Ernesto Valverde ayaa kaddib kulankii ay barbaraha la galeen kooxda Real Sociedad wuxuu ka soo muuqday shir jaraa’id wuxuuna la wadaagay warbaahinta:

“Maanta waxaa jiray waqtiyo aan u muuqanay kuwo aan fiicneyn, iyo waqtiyo aan aad u fiicneyn, laakiin El Clásico waa ciyaar ka duwan tii hore, maanta guud ahaan si fiican uma aanan fiicneyn”.

“Isbadalku wuxuu ahaa kulankan manta ahan inaan ka fekero kulanka El Clasico, kaliya waxaan ka fikireynaa ciyaarta horteena ah, kama fikirno dhacdada kulanka El Clasico ee Real Madrid”.

“Ma jirto koox ka talisa gurigeeda iyo meel ka baxsanba, dhamaan kooxaha waxay ku dhibtoonayaan meelaha ka baxsan gurigooda mararka qaar, kaliya maahan horyaalka La Liga, laakiin sidoo kale tartanka Champions League”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close