Pep Guardiola oo shaaca ka qaaday kooxdii ugu adkeyd ay la ciyaareen xilli ciyaareedkan

(Manchester) 15 Dis 2019. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday kooxdii ugu adkeyd ay la ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay tahay kooxda ugu adag ay wajaheen xilli ciyaareedkan, inkastoo Sky Blues ay guul gaarto kulankii ay wada ciyaareen.

Manchester City ayaa guul kaga gaartay Chelsea 2-1 kulankii ay wada ciyaareen dhamaadka bishii hore, laakiin Blue ayaa kulankaas sameysay fursado badan waxayna ugu yaraan u qalantay inay dhibcaha kala qeyb sadaan.

Yeelkeede, macalinka reer Spain ee Pep Guardiola oo ka hadlayay kooxdii ugu adkeyd ay la ciyaareen xilli ciyaareedkan ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Chelsea ay tahay kooxda kaliya aan ku hor dhibtoonay marka loo fiiriyo dhamaan kooxaha kale”.

“Waa kooxda sameysay fursado ka badan inta ay sameeyeen kooxaha kale ee aan wajahnay, waxaa abuurnay fursado qaar, laakiin ma aheyn wax cad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close