Manchester United oo barbaro la gashay Everton oo marti ugu aheyd garoonka Old Trafford…+SAWIRRO

(Manchester) 15 Dis 2019. Kooxaha Manchester United iyo Everton ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Old Trafford, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Everton.

Daqiiqadii 36-aad kooxda Everton ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Victor Lindelof oo iska dhaliyay gool kam ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 77-aad Manchester United ayaa dhalisay goolka barbaraha waxaana 1-1 ka dhigay Mason Greenwood, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel James.

Ugu dambeyntii 90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay barbaro 1-1 ay isla dhaafi waayeen labada kooxood Manchester United iyo Everton.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close