Manchester City oo saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Arsenal Emirates Stadium…+SAWIRRO

(London) 15 Dis 2019. Manchester City ayaa guul ka soo heshay kooxda Arsenal oo ay ku booqatay Emirates Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 17-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaartan ayaa lagu kala maray 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay, waxaana 0-1 ka dhigay dheesha Kevin De Bruyne, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Gabriel Jesus.

Daqiiqadii 15-aad Manchester City ayaa dhalisay gool labaad waxaana 0-2 ka dhigay Raheem Sterling, xilli uu goolkan uu ka caawiyay Kevin De Bruyne.

Manchester City ayaa sii dheereeysatay hoggaanka ciyaarta daqiiqadii 40-aad waxaana 0-3 ka dhigay Kevin De Bruyne, saaxiibkiis Philip Foden ayaana goolkan ka caawiyay.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-3 ay guusha ku raacday Manchester City oo marti ugu aheyd kooxda Arsenal Emirates Stadium.

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close